Shir laga yeeshay Amni darrada kusoo batay degmada Marka

25

Guddoomiyaha Magaalada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafow iyo Qaar kamid ah ku xigeenadiisa ayaa Maanta waxaa ay Xarunta Maamulka Degmada kulan kula qaateen Odayaasha Dhaqanka degmadaas.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray Arimaha Aminga Iyo Guud ahaan Hormarka ka socoda degmada Marka iyo degaannada hoostaga.

Odyaasha Dhaqanka ayaa waxaa ay kala hadleen inta uu kulanka socday falalka amni darro ee maalmihii dambe Magaalada  ka dhacayay, iyag oo Maamulka ugu baaqay in wax laga qabto.

Gudoomiyaha Magaalada Magaalada Marka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegey in aan la aqbali karin amni darada baahsan ee ku Cusub Magaalada sida ugu dhaqsiyaha badan loogu hortagi doono, wuxuuna ugu baaqay laamaha amniga iyo Bulshadda Magaalada in ay si wadajir ah iskaga kaashadaan Odayaasha dhaqanka ay kaalintooda qaataan.