Wasiirka Amniga Puntland oo looga yeeray Baarlamaanka

14

Guddiga Amniga & Nabadgalyada Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland ayaa Aqalka Wakiillada ugu yeeray Wasaaradda Amniga iyo DDRta Maamulka Puntland.

Ujeeddada ayaa ahaa is xog-wareysi u dhexeeya Guddiga iyo Wasaaradda, Wasiirka Amniga, Cabdisamed Maxamed Gallan oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda , Maxamed Iimaan Cabdulle iyo Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Faysal Cabdullahi Farateeb.

Mas’uuliyiintaan ayaa waxay ka warbixiyeen guud ahaan xaaladaha amniga ee Puntland, waxyaabaha u qabsoomay, caqabadaha haysta Wasaaradda iyo weliba baahiyaha jira, iyadda oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen.

Intaa kadib, Guddiga ayaa isla qaatay inay u hawlgali doonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira ee la xiriira amniga doorkoodana ay ka qaadanayaan.

Sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland Qodobkiisa 62.5 Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada waxa uu u xil-saaran yahay La socodka xaaladaha nabadgelyo iyo amni, Ururinta dhacdooyinka nabadgelyo iyo amni xumo ee u baahan in degdeg wax looga qabto