Maamulka Gobolka Gedo oo shaaciyay inay u diyaar garoobeen doorashada Golaha Shacabka

14

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo ugu Magacaaban dowladda Soomaaliya Axmed Bulle Gareed ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay u diyaar garoobeen doorashada Golaha Shacabka ee la filayo in xubno kamid ah lagu qabgo degmada Garbahaarey ee Gobolkaasi Gedo.

Waxaa uu sheegay in siweyn ay u adkeeyeen amniga degmada Garbahaareey, isla markaana aysan waxba kajirin warar maalmihii la soo dhaafay laga baahiyay degmadaas ee ah in Ciidamo ka amar qaata guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo uu si awood ah kula wareefay degmada.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Guddoomiyaja Gobolka Gedo in ka maamul ahaan ay soo dhaweeynayaan cidkasta oo dooneysa inay ka qeyb qaadato doorashada Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolka Gedo.

Degmada Garbahareey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka, iyada oo dhawaan la geeyay Ciidamo ka socda Booliska AMISOM.