Qoraal kasoo baxay Midowga Afrika oo looga horyimid Dowladda Soomaaliya.

8

War qoraal ah oo kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa lagu taageeray hawlgalka wadajirka ah ee Qaramada Midoobay ee hoos imaanaya Cutubka VII ee howlgalka nabad -ilaalinta Soomaaliy iyo sanadka soo socda.

Sanadkaan 2021 aan ku jirno iyo wixii ka dambeeya ayaa howlgalkaan lagu wareejinayaa howlgalka AMISOM Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo wadajir ah, ama in Soomaaliya la geeyo ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika.

Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika war kasoo baxay hore ayuu qorshahaani qeyb ka ahaa, waxaa uuna u baahnaan doona oggolaanshaha golaha ammaanka Qaramada Midoobay (UNSC), si loo ballaariyo waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Cutubka VII ee Axdiga Qaramada Midoobay wuxuu qeexayaa awoodda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ilaalinta nabadda, iyadoo uu Golaha u oggolaanaya inay go’aamiyaan jiritaanka wax kasta oo khatar ku ah nabadda, jebinta nabadda, ama ficilogardaro ah iyo inay qaadaan tallaabo milatari iyo mid aan milatari ahayn si dib loogu soo celiyo nabadda iyo amniga caalamiga ah.