Midowga Musharixiinta oo walaac ka muujiyay dib u dhaca doorashooyinka dalka.

13

War saxaafadeed kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta ayaa welwel iyo walaac Xoogleh looga muujiyay dib u dhaca doorashada kaas oo ay sheegeen Golaha in Uu sababay in dalka uu galo firaaq Dastuuri ah iyo xaalad hubanti lahaan ah oo saameyn taban ku yeelatay Xasiloonida, dhaqaalaha iyo Amniga Dalka ayaa lagu yiri qoraalka Golaha Midowga Musharixiinta.

Golaha Wuxuu sheegay in uu ka xun yahay in muddo tiro Seddex jeer ah dib loo dhigay jadwalkii doorashooyinka ee lagu heshiiyay, waxeyna tilmaameen in Shacabka Soomaaliyeed aan loo caddeyn sababaha keenay dib u dhaca doorashooyinka dalka,

Midowga Musharixiinta ayaa Golaha Wadatashiga qaran dareensiiyay in ay masuuliyad ka saaran tahay iney shacabka Soomaaliyeed iyo saamileyda siyaasadda ay xaq ugu leeyihiin in si daah Furan ula wadaagaan sababaha kalifay in doorashooyinka dalka ay dib ugu dhacaan xiliyadii loo muddeeyay. Ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Hoos ka akhriso: