Duqa Muqdisho oo la kulmay Mas’uuliyiin ka socday Shirkad laga leeyahay Turkiga

2

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho  Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan la qatay Madaxda ugu sareyso Hey’adda Tika ee laga leeyahay dalka Turkiga.

Kulanka ayaa waxa ay kaga wada hadleen sidii loo dardar galin lahaa mashariicyada ay ka qabtaan Tika Caasimadda Muqdisho oo ay ugu horeeyaan horumarinta magaalada, tababarsiinta dhallinyarada iyo xoojinta mashaariicda Tika ay ka wado Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyay madaxda Tika kaalinta ay ka geysteen wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed aysan iloobi doonin taageerada dowladda Turkiga ay siisay.