Tiro dad ah oo laga soo badbaaday koox hubaysan oo ka dagaalanta Nigeria

18

187 qof oo laga soo badbaaday gacanta koox hubaysan oo ka dhaq dhaqaaqda Dalka Nigeria.

Booliska Dalka Nigeria ayaa sheegay inay ciidamada amaanka kasoo samatabixiyeen gacanta koox hubaysan 187 oo horey looga afduubtay gobolka Zamfara ee waqooyi galbeed wadankaasi.

Ciidamada amaanka Nigeria ayaa howlgalkaan soo bilaabay maalintii Khamiista ahayd.

Afhayeenka Booliska magaalada Zamfara ayaa sheegay in dadkaasi laga afduubtay ilaa 4 degaan oo kala duwan.