Midowga Musharixiinta oo isku fahmi waayay shir ay ka yeesheen xaalada Galmudug

4

Midowga Murashaxiinta mucaaradka  ayaa kulan ay yeesheen isku fahmi waayay sida loo dhigayo warmurtiyeed ka soo baxa oo ku aadan  xaalada Galmudug, gaar ahaan dhaq dhaqaaqyada ciidan oo ay wadaan Madaxda Ahlusunna, sida ay KNN u sheegeen ilowareedyo muhiim ah.

Xubnaha ku kala aragti duwanaanaday kulanka ayaa waxaa ka mid ah Xasan Cali Kheyre R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Xasan Cali Kheyre ayaa soo jeediyay in la tageero madaxweynaha Galmudug, islamarkaana la soo afjaro cid walbo oo diiday nidamka maamulkaasi, halka Cabdikaariin Xuseen Guuleed uu isna ku taliyay in dhinayacda looga baaqo in ay wax walba ku dhameeyaan  wadahadal, islamarkaana laga digo in la weeraro magaalada Guriceel.

Sidoo kale hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdushakuur Warsamare ayaa isna waxaa soo jeediyay in cid walbo ka soo horjeeda maamulka Galmudug isku meel loogu soo wada jeesto.

Hayeeshee talaabadan ayaa waxaa ay keentay in dib loo dhigo  go’aanka midowga Murashaxiinta  ay si wadajir ah ugu qaadan lahaayeen xiisada ka tagaan deegaanada Galmudug.