Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Kontorool ku yaala koofurta Gaalkacyo

2

Wararka ka imaanya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Ciidan katirsan Daraawiishta Galmudug ay si xoog ah kula wareegeen Koontaroolka kGaalkacyo.

Ciidamo Booliska ah oo halkaasi ku sugnaa ayaa la sheegay in halkaasi ay isaga baxeen iyagoona aaday dhinaca deegaanka Galinsoor.

Mas’uuliyiin ayaa sheegay in Ciidamada ay ka gadoodeen mushaar la’aan ay ka cabanayaan kadib markii Ciidamada kale ee Galmudug uu mushaarka u soo dhacay.

Waxaa uu beeniyay in gadoodka Ciidamada uu salka ku haayo is casilaadii Wasiirka Amniga Galmudug, waxaana uu sheegay in la xalin doono waxyaabaha ay ka cabanayaan Ciidamadaas.