Musharax Daahir Geelle” Galmudug qoriga ammaankiisa hala xiro wadahalna hala isku tago”

8

Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay Khilaafka taagan degaanada maamulka Galmudug, kaasoo ka dhashay markii ay soo labo kacleeyeen ururka Ahlusunna ee degaanada maamulka Galmudug.

Musharaxa ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug in ay joojiyaan colaada, islamarkaana wadahal lagu dhameeyo xiisadda ka dhalatay Khilaafka.

Waxaa uu xusay in wiilal Soomaaliyeed oo ay ku dhiman doonaan dagaalka sidoo kalena kuwo kalena ay ku naafoobi doonaan sidaas darteed maamulka ay doortaan wadahal.

Madaxweynaha Galmudug iyo Ururka Ahlusuunna ayuu ugu baaqay in  aysan barakicin dadka shacabka ah, islamarkaana aysan jirin cid ku gaari karta dano gaar ah dagaalka qoriga caaradiisa ah.

“Galmudug qoriga ammaankiisa hala xiro wadahalna la isku tago wadada kaliyah oo banana ee in wadahal lagu xaliyo khilaafka taagan mana jirto cid wax ku heli doonta qori caaradiisa”