Puntland oo guddi wasiirro ah u saartay caawinta dadkii laga soo musaafuriyay Laasacaanood

4

Maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa guddi wasiirro ah u saaray sidii wax loogu qaban lahaa oo gacan loo siin lahaa dadka Somaaliland ay ka musaafurisay magaalada Laascaanood ee gobolka sool.

waxaana jira dad hor leh oo Laasacaano laga soo saaray oo shalay gelinkii dambe gaaray degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Guddiga Puntland ay u saartay dadkaas waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, shaqada loo xilsaaray iyo tirada dadkaan cusub ee gobolka Mudug soo gaaray ayuu sheegay inaad u fara baan yihiin, islamarkaana dib u dejin ay u sameyn doonaan

Wasiirka ayaa sheegay in Puntland mar walba soo dhaweeyneyso, isla markaana dadka doonaya inau aadaan degaannada kala ee dalka safarka u fududeeynayaan.