Abiy Ahmed oo maanta loo dhaarinayo xilka hoggaamiyaha dalka Itoobiya oo markale ku guuleystay.

7

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa la filayaa in maanta loo dhaariyo xilka hoggaamiyaha dalkaas oo uu ku guuleystay ka dib doorashadii dhowaan ka dhacday Itoobiya, wuxuuna shaacin doona golihiisa wasiirada.

Doorashada uu guusha ka gaaray waxay ahayd mid la isku khilaafay oo ay qaadeceen axsaabta siyaasadda dalkaas, taas oo sababtay in Xisbigiisa uu si aqlabiyad ah guul u gaaro.

Balse, guushiisa waxaa daboolay oo daah saaray colaadda gobolka Tigray. Abiy Axmed ayaana xilka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya sii hayndoono illaa shanta sano ee soo socota.

Abiy wuxuu hoggaamiyaha dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, noqday sannadkii 2018, ka dib dibadbaxyo muddo socday oo looga soo horjeeday dowladdii isaga ka horeysay ee Itoobiya.

Xilligaas Abiy waxbadan lagama garaneynin, wuxuuna si fudud ugu guuleystay quluubta malaayiin qof, kuwaas oo uu ku soo jiitay isbedello dhanka siyaasadda ah oo Itoobiya uu ka hirgeliyay. Wuxuu sidoo kale heshiis la galay Eritrea. Tallaabooyiinkaas ayuu ku muteystay Abaalmarinta Caalamiga ah ee Nabadda.

Laakiin waxaa isla markiiba caqabad ku noqday qalalaasaha qowmiyadeed ee dalkaas ka bilowday. Dhibatada ugu wayn waxay soo wajahday sannadkii la soo dhaafay ka dib markii uu dagaal ka bilowday Gobolka Waqooyiga ku yaalla ee Tigray.

Waxaa la aminsan yahay in kumannaan qof ay ku dhinteen colaaddaas, waxayna hay’adaha caalamiga ah sheegayaan in dhinacyada oo dhan ay geysteen xadgudubyo.

In kastoo mar uu xirtay suunka Abaalmarinta nabadda ee Caalamiga ah (Nobel Peace), haddana maamulkiisa wuxuu wajahayaa dhalleeceyn caalami ah oo la xiriirtay xiyiridda gargaarkii la gaarsiin lahaa Tigray.

Xigasho:-BBC