Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo ka hadlay xiisada ka taagan Galmudug.

3

War qoraal ah oo kasoo baxay Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa waxaa looga hadlay xiisadaha dagaal ee deegaannada Dowlad Goboleedka Galmudug Galmudug dhex cusboonaaday, kaas oo u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan DFS iyo Kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Ururka Ahlusunna.

Qoraalka kasoo baxay Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa laguĀ  sheegay in ay aad uga xun yihiin lana qeyb sanayaan Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ka dhalatay colaadaha goobaha ay kajiraan, iyadoo ay ku baaqeen in colaada la joojiyo, isla markaana xal laga gaaro dhibaatadii dhacday.

Sidoo kale waxey sheegeen in dagaalkaan uu kusoo aaday xilli adag oo uu dalka ku jiro doorasho islamarkaana aan la fileyn in xoogaga Ahlu Sunna ay dib usoo cusbooneysiiyaan dagaalka xili deegaanka laga dhisay Maamul Curdun ah oo laga filaayey howlo deegaanka muhiim u ah oo doorashadu ugu horeyso.

Hoos ka akhriso: