Saciid Deni oo Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Nugaal.

3

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntaland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweynaha kuna saabsanaa Magacabaaid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland markuu arkay Dastuurka  Puntland Qodobkiisa 80 aad, Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Sidookale Markuu tixgaliyay  Madaxweynaha talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Wuxuu xeeriyay:

• Waxaa Maxamuud Xassan Maxamed (Cawil Mataan) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, waa uuna saxiixay.