Koox hubeysan oo weerar ku qaaday hoyga taliyaha Booliska G/Nugaal

6

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar koox hubeysan ay xalay ku qaaday hoyga uu magaalada Garoowe ka deggan yahay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac.

Wariyaha KNN ee magaalada Garoowe ayaa soo sheegaya in muddo daqiiqado ah rasaas laga maqlay guriga Talyaha oo ku yaalla xaafadda 1-da August oo kamid ah goobaha aadka loo ilaaliyo.

Ma jiro illaa hadda khasaare laga soo wariyay is-rasaaseyn kooxda hubeysan iyo ilaalada talyaha qeybta booliiska gobolka Nugaal.