Mahdi Guuleed oo sheegay in lala tartami doono Cabdixaashi

6

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa muujiyay in malxiis siyaasadeed oo la tartama loo soo helay guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Mahdi Guuleed, ayaa sheegay in la tashiyo badan, kadib la go’aamiyay  in kursiga kowaad ee Aqalka saree e laga soo doorto Somaliland lagula tartamo Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Wuxuu sheegay in Cabdi Xaashi uu la tartami doono nin lagu magacaabo  Siciid Cumar Xuseen, oo sida muuqata malxiis siyaasadeed u noqon doona.

Markaan samaynay latashi badan dhegeysanay odayaasha dhaqanka waxaan go’aamsannay in kursiga koowaad ee Aqalka Sare ee Somaliland lagula tartamo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu la tartami doono Saciid Cumar Xuseen” ayuu yiri Mahdi Guuleed.