Jubbaland oo war kasoo saartay Qaraxii ka dhacay Magaalada kismaayo

2

Faah faahiino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Khasaaro gaystay oo xalay fiidkii  ka dhacay Magaalada Kismaayo, waxaana qaraasi ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, sida ay xaqiijiyeen Laamaha ammaanka Jubbaland.

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay Maqaaxi ku taalla Xeebta oo lagu Magacaabo  Qoryooleey, ee Xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo.

Laamaha ammaanka Jubbaland oo qaraxa Warbaahinta uga warbixiyay ayaa sheegay in dad shacab ah iyo Askar ay ku waxyeeloobeen Qaraxaasi, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay  labo qof halka in ka badan 10 ruuxna ay ku dhaawacmeen, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Aminiga Jubbaland Jaamac Axmed Cali Joofane.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in laamaha ammaanka ay ogadeen Qaraxaasi waxa uu ahaa iyo sida loo fuliyay kadib baaritaan ay sameyeen, waxaana uu tilmaamay in Qaraxu ahaa miino dhulka lagu aasay oo meesha lagu sii diyaariyay.

Ugu dambeyntii Afhayeenka Wasaaradda amniga Jubbaland ayaa shedegay in Ciidanka ammaanku ay qaadi doonaan howgallo ka dhan ah Al-shabaab, isagoo intaa ku daray in baaritaan dheeraad ah ay ku sameyn doonaan Qaraxa Khasaaraha gaystay eek a dhacay Kismaayo.