Dawladda Kuuriyada Waqooyi oo gantaal kale tijaabisay.

1

Dawlada Kuuriyada waqooyi ayaa maanta mar kale tijaabisay gantaal Balastig ka sameysan oo ay ku tijaabisay dhanka badda Japan.

Waa gantaalkii sadexaad oo muddo bil ah xukuumadda Kuuriyadda waqooyi ay tijaabiso muddo bil gudaheed ah.

Warbaahinta ayaa laga daawaday war lagu sheegay in lagu guulaystay tijaabada gantaalaha ay xukuumaddu farsamaysatay.

Wakiilo ka socday dalka Kuuriyada waqooyi ayaa Q,M u sheegay inay xaq u leeyihiin inay tijaabiyaan gantaalaha ay farsamaysteen.

Maraykanka iyo dawladaha dariska la ah Kuuriyada waqooyi ayaa cambaareeyay tilaabadaan.

Golaha amaanka ee Q,M ayaa kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda gantaalaha ay dawlada Kuuriyada waqooyi tijaabinayso.