Xiisadii dagaal oo maalmihii lasoo dhaafay ka taagneed deegaan ka tirsan Galgaduud oo xal laga gaaray.

5

Wararka ka imaanaya deegaanka Xananbuure ee waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xaaladda ay degan tahay, kadib markii muddooyin 2 todobaad ka badan ay ku dagaalamayen Labo maleeshiyo beeleed oo halkaa wada dega.

Xog ayaa sheegaysa in lagu guuleystay in la kala qaado maleeshiyo beeleedkaasi oo muddo lagu dhex jiray islamarkaana is horfadhiyay, iyagoo ku kala sugan qeybo ka mid ah deegaanka Xananbuure.

Ciidamo ka tirsan kuwa xooogga gaar ahaan Gor-gor ayaa lagu wareejiyay goobihii ay isku hor fadhiyeen Labada Maleeshiyo beeleed, kuwaa oo sugaya ammaanka goobta si guud.

Dagaalka labada dhinac ayaa waxaa uu salka ku hayay dil loo geestay qof shacab ah oo kasoo jeda mid ka mid ah meleeshiyaadka, iyadoo dadaal xooggan oo ay sameeyeen Madax ka tirsan DFS iyo Maamulka Galmudug ay ku guuleysteen in labada maleeshiyo Beeleed la kala geeyo degaano isku jira in ka badan 15km.

Masuuliyiinta ka qeyb joojinta xiisada laba beeleed oo wada dega deegaanka Xananbuure waxaa ka mid ah Wasiir Ku-xigeenka Beeraha Galmudug Cilmi Cali Ganeey & Wasiirka degaanka Sanoter Siyaad Saciid Shirwac.

Dhinacyada ayaa tilmaamay in degaanka xananbuure uu yahay mid nabad ah, iyagoo sheegay in ciddii hub sharci darro ah la soo gasha deegaanka Xananbuure  tallaabo adag laga qaadi doono.