MW Farmaajo iyo RW Rooble oo ka tacsiyadeeyay geerida Ajakis.

11

Madaxweynaha somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cabdi Muriidi (Ajakis), isagoo tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyska, Qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuumka.

Sidookale Madaxweyne Farmaajo ayaa marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa Aamiin.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdi wali Ibraahim Sheikh Muudey aya iyana ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis).

Madaxda ayaa Alle ugu baryay in naxariistii Janno uu ugu deeqo Marxuumka , sidoo kale uu Alle samir iyo iimaan kasiiyo Eheladii iyo Asxabtii uu kabaxay marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis).

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri “Ray’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdi wali Ibraahim Sheikh Muudey aya iyana ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) waxa ayn alle uga baryeen in naxariistiisa janno ugu deeqo eheladii iyo asxabtii u kabaxayna samir iyo iImaan alle hakasiiyo.

Cabdi Muriidi ayaa ahaa majaajiliste caan ah islamarkaana geeridiisa ay aad ugu wada naxeen dad badan oo iskugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin xilal kasoo qabtay dalka iyo kuwa hadda haya.