Booliska Soomaaliya oo faah-faahin ka bixiyay qarixii ka dhacay Muqdisho

17

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aaadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay muqdisho gaar ahaan goobtii uu ka dhacay qarixii ismiidaaminta ahaa ee Isgoyska Ceel-gaabta ayaa faah-faahin ka bixiyay, isagoo sheegay in qaraxa uu fuliyay ruux isa soo miidaamiyay islamarkaana watay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Wuxuu xusay Afhayeenka iney 8 ruux ay ku dhinteen goobta oo uu ku jiro askari ka tirsanaa ciidanka Taraafikada iyo todobo ruux oo shacab ah, iyadoo uu dhaawaca ku sheegay inuu gaarayo illaa sagaal qof, kuwaas oo la dhigay isbitaallada caafimaadka qaarkood ee Muqdisho.

Sidoo kale dadkii ku dhintay qaraxa waxaa ku jiray hooyo Soomaaliyeed iyo labo caruur ah oo ay dhashay, kuwaas oo saarnaa gaari xilli ay marayeen wadada.

Warar ayaa sheegaya in khasaaraha qaraxa ee dhimashadu  tahay 15 ruux, halka dhaawaca uu intaa ka badan yahay, dadkaas ayaa iskugu jira askar iyo shacab intaba, inkastoo ay uu khasaaruhu intaa ka badan karo.