Wararkii ugu dambeeyay shirka lagu dhex dhexaadinayo MW Farmaajo iyo RW Rooble.

6

Madaxtooyada Soomaaliya weli waxaa ka socdo waan waanta xalka looga gaarayo khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaaraaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Labada dhinac waxaa jira laba guddi oo ka kala socda islamarkaana kala matalaya oo ay soo dirsadeen, iyadoo la sheegay in lisku mari la’yahay qodobadda qaar, halka qaarkood ay isku fahmeen.

Qodobada dooda adag ay ka taagan tahay dhinacyadana ay isku fahmi la’yihiin waxaa ka mid ah kuwaan:

1.Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu dalbaday in kiiska Ikraan Tahliil loo daayo maxkamadda dastuuriga ah ee uu dacwadeeda uu horyaallo, sidoolale wuxuu doonayaa iney marka hore ay shaqeeyaan Guddigi uu magacaabay.

2. Guddiga ku hoolan xalinta khilaafka labada dhinac ayaa soo jeediyay in si ku meel gaar ah uu sii hayo xilka Hay’adda NISA Gen. Bashiir Goobe islamarkaana Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha kasoo heshiiyaan taliyaha rasmiga noqon doono muddo kooban, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu ka hor yimid isagoo  ku adkeystay in Yaasiin Farey uu sii hayo xilka hey’adda maadama isaga uu magacaabay.

3.Guddiga ayaa sidoo kale soo jeediyay in Wasiirka cusub ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble u badalo wasaarad kasta oo ka mid ah 25 wasaaradood, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu isna kadib soo jeediyay 2 Wasaaradood kaliya mid ka mid ah in loo wareejiyo C/llaahi Maxamed Nuur.

Guddiga la kulmay Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaare Rooble u gudbiyaan waxyaabihii ay kala kulmeen, iyadoo dhinacyada khilaafka uu ka dhhaxeeyo uu mid walba go,aankiisa uu ku taagan yahay islamarkaana aanu jirin wax isu tanaasul ah.

Khilaafka labada masuul ayaa la ogeyn halka uu ku dambeen doono, waxaa weli jiro iskudayo iyo dadaal lagu xalinayo khilaafka, iyadoo dadaaladii weli aysan mira dhalin.