Galmudug oo sheegtay inuu fashilmay wada hadalkii MF Farmaajo iyo RW Roobe.

17

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle oo kahad layay xaaladda khilaafka Madaxweyne Farmaajo Iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay faraha kala baxday howlihii dhex dhexaadinta Ra’iisul wasaraaha iyo madaxweynaha .

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ay fashilmeen dadaaladii ugu dambeeyey ee uu qeybta ka ahaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor qoor.

Ugu dambeentii Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in dhor mar ay isku dayeen ka maamul ahaan in xal waara laga gaaro khilaafka,balse gunaanadka lagu kala tagay.