Galmudug oo Digniin u dirtay Rag Maleeshiyaad ah oo abaabul wada

3

Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug Cismaan Cali Hudey ayaa ka hadlay abaabul rag hubeysan oo maleeshiyo beeleed ah ay ka wadaan gudaha degmadaas.

Taliye Cismaan Hudey oo gelinkii dambe ee galabta la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in laamaha amniga ay gacan bir ah ku qaban doonaan kooxo uu sheegay in ay wadaan duulaan ka dhan ah laamaha amniga Guriceel.

Taliyaha Booliska ayaa waxaa uu sheegay in maleeshiyaadka hubeysan ee wada abuubulka ay doonayaan inay qabsadaan degmada Guriceel, hayeeshee marnaba aysan aqali doonin arrintaas, isla markaana ay ka hortegi doonaan maleeshiyaadka is abaabulayo.

Isaga oo hadlaayay Taliye Cismaan Cali Hudey ayaa waxaa uu yiri “Qof kasta oo ku fakaraya in uu amaanka carqaladeeyo ha ogaado in aan gacan bir ah ugu jawaabeyno oo uusan guul kala hoyaadi doonin isku day kasta.”

Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa abaabul weyn ka wada maleeshiyaad ka gadoodey dil habeebo kahor Booliska u geysteen Nin hubeysan, kaasi oo u dhintay dhaawac kasoo rasaasta ay isugu jawaabeen askar waardiye ka aheyd Bar koontarool.