Madaxda golaha wadatashiga qaranka oo ka shiray arrimaha doorashooyinka

6

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa caawa shir ku yeeshay habka fogaan aragga ee internet-ka, kaas oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guddoomiyay shirka madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana kaloo ka qeybgalay guddoomiyaha guddiga maamulka doorashooyinka heer federaal.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in shirka diiradda lagu saaray sidii loo bilaabi lahaa doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, iyadoo la tix raacayo jadwalkii doorashooyinka.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in guddoomiyaha guddiga maamulka doorashooyinka heer federaal uu warbixin ku saabsan howlaha guddiga la wadaagay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirkan ayaa yimid, iyadoo uu maalmo ka hor baaqday shirka ay Garowe ku yeelan la haayeen madaxda dowlad goboleedyada oo looga hadli lahaa arrimaha doorashooyinka.