Maxaa looga hadlaa shirka uusan ka qeyb galeen RW Rooble ee Dowlad Goboleedyada?

11

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa war kasoo saartay shir ay islaamiyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada dhawaan kaas oo ka dhici doona Talaadada soo socota 21 illaa 23 Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in shirkan uu furmi doono maalinta Talaadada uuna yahay mid ay madaxda maamul goboleedyada uga hadli doonaan iskaashiga dhexdooda, isagoo meesha ka saaray in diiradda lagu saarayo Arrimaha Doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa uu intaa ku daray Wasiir Dhabancad in shirkan uu ka duwan yahay shirarkii hore u dhici jiray islamarkaana uu yahay mid Dastuuri ah loogana baahan yahay iney Madaxda Dowlad Goboleedyada kasoo qeyb galaan shirka.

“Ra’iisul wasaaraha ayaa u wici kara qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, Kan dawlad Goboleedyadu waa ka duwan yahay waana Dastuuri” ayuu yiri wasiirka.

Kulankan loo ballansan yahay ayaa ku soo beegmaya xilli khilaafka siyaasadeed ka dhex abuuray madaxda ugu sarreysa dowladda uu cirka isku sii shareerayo, waddanka uu lugaha la galay xiisad cabsi badan gelisay shacabka.

Shirkaan ay yeelan doonaan Madaxda Shanta Dowlad Goboleed ee kala ah Koofur Galbeed, Puntland, Hir-shabelle, Galmudug iyo Jubbaland waa hadii uu qabsoomee wuxuu sii hurin doonaa khilaafka siyaasadeed ee hadda ka dhaxeeya Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble sida ay qabaan falanqeeyaal siyaasadeed maadama shirkaani uu yahay mid aysan ka qeyb galeen dhinacyada khilaafka uu u dhaxeeyo si gaar Ra’iisul Wasaare Rooble oo Baarlamaanka hortiisa loogu wareejiyay hoggaaminta dooorashooyinka dalka.