Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ka hadlay geerida Wasiiru dowlihii Wasaaradda Warfaafinta

2

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi u diray eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo Shacbiga  Hirshabelle ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Wasiiru Dowlihii Warfaafinta Hirshabelle sidoo kalana ahaa Mudane ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle Marxuum Maxamed Axmed Faarax Kolombo oo maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlayay Afka Golayaasha Dowladda, iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Dhawaan ayaa waxaa la filayaa in la’aaso meydka Alle Ha u naxariistee Wasiir dowlihii Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle kana mid ahaa Baarlamaanka Hir-Shabeelle Maxamed Axmed Faarax ( kolombo), waxaana ka qeyb geli doona mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.