RW Rooble Muxuu kala hadlay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed?

3

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaaraha la qaatay labada masuul ayaa looga hadlay u diyaar garowga doorashada  xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi (Somaliland)  iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan  xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loogu soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare.

Sidookale waxaa intii uu kulanka socday goob joog ka ahaa Guddoomiyaha  Maxkamadda sare ee Dalka  Mudane Baashi Yuusuf Axmed.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa wado kulamo uu la yeelanayo siyaasiyiinta Soomaalida, kuwaas oo xilal ka haya dowladda iyo kuwa aan ka heynba, iyadoo kulamadaas intooda badan looga arrinsado arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo dardargelin lahaa.