Siyaasiyiinta Soomaalida iyo waaxda dembi baarista Kenya oo ka shiray maqnaansha Cabdiwahaab.

4

Waxaa socdo dadaalo ay wadaan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaa hoggaaminaya xildhibaan laga soo doorto galbeedka degmada Wajeer, Axmed Kolosh, kadib kulan ay la yeesheen agaasimaha waaxda dembi baadhista Kenya kaga dalbaday xukuumadda in ay war cad ka soo saarto xaaladda Profeesarka.

Cabdiwahaab sheekh Cabdisamad ayaa ahaa aqoon yahan islamarkaana muddooyinkii dambe falanqeenayay Siyaasada Soomaaliya isagoo ugu hadlayay siyaabo kala duwan, iyadoo la sheegay in 8dii Bishaan September laga afduubtay Caasimada Kenya ee Nairobi.

Aggaasimaha ayaa u sheegay hogaamiyeyaashaas in la bilaabay baadhitaan arintaa la xidhiidha oo aanay salka dhigi doonin ilaa ay ka gungaadhayaan afduubkaas oo aan ilaa haatan raq iyo ruuxtoona la hayn prof Cabdiwahaab.

Qaar ka mid ah ehelada Proff Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay iney aad ugu walwalsan yihiin maqnaansha Cabdiwahaab iyo waxa uu ku sugan yahay, waxey dowladda Kenya ka codsadeen in ay baaritaan ku sameyso maqnaansha wiilkooda.