RW Rooble oo ku baaqay in aan la siyaasadeyn kiiska Ikraam Tahliil

2

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa carrabka ku adkeeyay in kiiska Ikraam Tahliil uu yahay mid qaran, isaga oo ku baaqay in aan la siyaasadeyn ee kaliya loo arko xaq uu leeyahay muwaadin Soomaaliyeed oo ay tahay in isku aragti laga ahaado

“Kiis Ikraan Tahaliil Faarax ee aad maqasheen waxa uu noqday arin qaran oo dadka Soomaaliyeed oo dhan taabatay, mawqifkayga mabda’iyan waxa uu yahay in kiiska Ikraan uu helo baaritaan lagu kalsoon yahay oo madax bannaan iyo in dhammaan caqabadaha hortaagan in caddaalad loo helo Ikran iyo qoyskeeda meesha laga saaraa, sidaa awgeed waxaan uga mahadcelinayaa Qaramada Midoobay iyo xubnaha Beesha Caalamka mowqifka ay qaateen oo ah in kiiska Ikraan lagu sameeyo baaritaan dhameystiran”  ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay khilaafka ka dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha waxaana uu sheegay in Golaha wadatashiga uu la kashan doono si xal loo gaaro.

“Waxa aan aad uga xumahay xaaladaha siyaasadeed ee maalmahan dalka ka jiray xilli uu dalku ku jiro doorashooyin. Waxaan xaqiijin doonnaa inaan dadaal ku bixinno ka hortagga iyo maareynta xiisadda si xilkasnimo iyo miyir leh” ayuu yiri Rooble.

Isaga oo sii hadlaya ayuu yiri “Waxaa iga go’an inaan sii wado dadaalkan waxaanan ku kalsoonahay in iyadoo la kaashanayo Madaxweynayaasha saaxiibadeey ee Dowlad Goboleedyada in aan gacan kawada geysanno dadaalka dhexdhexaadinta, waxaan inshallah heli doonnaa xal nabadeed oo ku aaddan xaaladdan laga xumaado”.