Wasiirka Duulista Hawada oo shati shaqo siiyay Shirkad Soomaaliyeed oo diyaarad keensatay

4

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta Shatiga Shaqada Siiyey  Diyaarad Cusub oo ay keensatay Shirkadda Royal Air oo daah furtay Diyaarad cusub oo Dulimaadyo ka bilaabi doonto Dalka.

Diyaaradda oo buuxisay Shuuruudaha laga rabo Diyaaradaha Duulimaadyada ka samaynaya Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa ayaa qaadatay shatiga shaqada.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa tilmaamay in ujeedka shatiyada loo siinayo shirkadaha duulimaadyada uu yahay sidi shacabka  Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen Adeegyo Duulimaad oo tayadiisu sarayso.