Baashe Cawil oo iska casilay xil uu u magacaabay Muuse Biixi.

3

Qoraal uu soo saaray Amb Baashe Cawil ayaa kaga hadlay xilkii uu dhawaan u magacaabay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo ahaa Wasiir ku xigeenkii Arrimaha Dibadda, wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in uu iska casilay xilkaasi kadib markii la sheegay in uu saluugay.

Muuse biixi ayuu ugu mahad celiyay in uu kusoo daray golahiisa wasiirada isagoo xusay in xilkaasi uusan dooneyn inuu qabto, horey ayuu sidookale iskaga casilay wakiilkii Somaliland ee dalka Kenya.

Qoraalkiisa sidaan ayuu u dhignaa Amb Baashe Cawil ” Waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa qoraalkan aan iskaga casilayo xilka aad iigu magacawday Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda  iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Sidoo kale waxaan iska casilay xilkii Wakiilnimada Xafiiska Somaliland Ee Dalka Kenya, kaas oo bishii August 13 2018 aad ii magacowday”.

Sidoo kale wuxuu yiri ” Waa sunnaha siyaasida in shaqada qaranku tahay qori isku dhiib, sidaad darteed  sharaf weyn ayay ii ahayd xilka aan  qarankankayga u hayay uguna addeegayay lixdii sanadood ee aan ahaa Wakiilka Somaliland u matalaya UAE iyo Kenya”