Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay deegaanka Jazeera

13

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Jazeera ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu iska hor imaad ku dhexmaray Ciidamada Booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran iyo Maleeshiya Macawiisley ah oo ah dadka deegaanka.

Dagaalkaan oo Socday daqiiqado ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dhimashada ay tahay inta la xaqiijiyay labo ruux halka dhaawacana uu intaa ka badan yahay.

Guddoomiyaha Deegaanka Jasiira, Xuseen Jilecoow Maxamuud oo KNN la hadlay ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ka dambeeyay kadib markii labada dhinac uu soo kala dhexgalay Kala shaki, Isagoo Xusay in hadda xaaladu ay tahay mid degan Ciidamadiina lakala dhexgalay.

Guddoomiye Jilecoow ayaa tilmaamay Deegaanka Jasiira ee duleedka muqdisho ayaa ka dhaca iska hor imaadyo u dhaweeya Ciidamada Dowladda Iyo Koox hubeysan oo dadka deegaanka ah, waxaana ka dhasha khasaaro lixaad leh oo soo gaara dadka shacabka oo markaas ay ku dul dagaalamaan.