Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shirka toddobaadlaha ah

9

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa  guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo  lagu ansixiyay hindise sharciyeedka Fasaxa dhismaha iyo magacaabista xubin ka bannaaneyd Guddiga  dib-u-eegista dastuurka oo loo magacaabay  Mudane Daahir Xasan Cabdi.