Taalibaan oo sheegtay in haweenka aan loo magacaabi doonin xilal sare

3
FILE - In this Nov. 14, 2001 file photo, Suhail Shaheen, then Deputy ambassador of the Islamic Republic of Afghanistan, gives an interview in Islamabad, Pakistan. The Taliban spokesman says the seventh and latest round of peace talks with the U.S. is "critical," as the militant group meets with Washington's envoy Zalmay Khalilzad in the Mideastern state of Qatar, where it maintains a political office. (AP Photo/Tariq Aziz, File)

Ururka Taalibaan oo la wareegay talada Afghanistan ayaa sheegay in dumarka aan loo dhiibi doonin xilalka sare ee dowladda dhowaan la soo dhisayo.

Ku -xigeenka madaxa xafiiska siyaasadda Taalibaan ee Qatar ayaa sheegay in haweenku ay sii wadan karaan shaqadooda, oo ay ku jiraan xilalka “heerarka hoose” ee dowladda ay ka hayaan, balse xilalka ugu sarreeya ama golaha wasiirrada dalka “laga yaabo inaysan” ka mid noqon doonin haweenka.

Taalibaan ayaa la filayaa inay soo dhisaan xukuumad cusub maalmaha soo socda balse su’aalo ayaa weli ka taagan sida xukunkoodu uu u ekaan doono.