Hirshabeelle iyo AMISOM oo ka wada hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

4

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Ali Gudlawe Hussein oo howlo Shaqo u jooga Magalada Muqdisho ayaa galabta kulan la qaatay Wakiilka Midowga Africa u fadhiya Somaliya Ambasador Francisco Madeira.

Kulankaan uga hadlay Amniga Guud ee Deegaanada Hirshabeelle,  la dagaalanka Argagaxisada iyo la isaga kaashan lahaa howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay, Arrimaha Doorashooyinka dalka dhowaan dalka ka billaawday.

Sidoo kale, madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Fransisco Madera uga warbixiyay Saameeynta fatahaadaha maamulkiisa ku soo noqnoqday iyo doorka Midowga Afrika dhanka horumarinta.