Muuse Biixi oo shir guddoomiyay shirka golaha Wasiirada Somaaliland.

11

Madaxweynah Somaaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shir guddoomiyay kala Fadhigii 78-aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu wehlinayay madaxweyne-ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa si wada jir ah warbixino looga dhageestay Wasiirrada Wassaaaradaha, Arrimaha Gudaha iyo Horumarinta Maaliyadda.

Wasirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa marka hore Golaha wasiirada warbixin kasiiyay nabadgelyada guud iyo dedaallada ay ciidamadu ugu jiraan ka hortagga arrimaha la xiriira sugidda amniga iyo la dagaallanka mukhaadaraadka.

Wuxuu Wasiirku tilmaamay inla sii xoojiyey la socodka arrmaha ka socda mandaqada Geeska Afrika.

Dr. Sacad Cali Shire Wasiirka horumarinta maaliyadda wuxuu isna golaha siiyay warbixin la xiriira nidaamka iyo habraaca miisaaniyad sannadeedka 2022, dood iyo falanqayn dheer ka dibna waxa xubnaha golaha wasiirradu u soo jeediyeen wasiirka talooyin la xiriira miisaaniyadda Somaliland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sannadkan boqolkiiba labaatan (20%) la kordhin doono mushaarka dhammaan ciidamada qalabka sida ee xukuumadda Soomaaliland.