DFS oo ka qeyb galaysa Shirka Axdiga Carruurta Afrika.

5

Xaniifa Maxamed Ibraahim Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi ay horkaceyso ayaa dalka Jubuuti kaga qeyb galay shir ay soo wada qaban qaabiyeen wasaaradda Haweenka iyo Hey’adda Save The Children, kaas oo looga hadli doono Axdiga Carruurta Afrika oo ay ansixiyeen 50 dalka oo Afrikaan ah.

Wasiirka Haweenka oo ka hadashay shirkaan ayaa tilmaamtay in Soomaaliya Axdigan saxiixday sanadkii 1991, balse aan wali baarlamaanka Soomaaliya uusan meel marin.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galaya khubaro ka socda Midowga Afrika, iyadoona looga doodi doono muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya saxiixdo Axdigan.