Wasiir Beyle oo kulan la qaatay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

7

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr.Cabdirxamaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan la qaatay Kristina Svenson oo ah wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka dhaca bariga Afrika.

“Waxa aan maanta shir muhiim ah xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulam kula yeeshay Kristina Svensson oo ah wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika “ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiir Beyle iyo Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ayaa waxa ay ka wada hadleen dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, Mashaariicda horumarineed ee Bangigu uu Soomaaliya siiyo iyo dadaalada sare loogu qaadayo dakhliga gudaha.

Wasiirka Maaliyadda ayaa yiri “Waxaa ka wada hadalnay dib-u habeynta nidaamka Maaliyadeed ee dalka iyo horumarinta Mashaariicda horumarineed ee Baanka Adduunka ee Soomaaliya iyo dadaalada ay wado Wasaaradda Maaliyadda ee dakhliga gudaha”.