Rooble oo shir guddoomiyay Kulan ay qeyb ka ahaayeen Wakiilada Beesha Caalamka.

8

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyey kulan u dhexeeyey Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka iyo wakiilada  Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa looga hadlay dar-dargelinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo dadajinta dhaqaalaha farsamo ee  saaxiibada caalamka kaga aadan Hannaanka doorashooyinaka.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay horumarada laga sameeyey hannaanka doorashooyinka uu dalku galay, maadaama la dajiyey habraacyada doorashada Golaha shacabka Barlamaanka F. Soomaaliya iyo muhiimada  uu amniga u leeyahay doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha XukuumaddaFederaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay sida ay uga go’an tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho, la isku raacsan yahay, si nabdoon ku dhacda, cid kasta oo tabasho qabtana laga qancin doono, si hannaanka doorashadu u noqdo mid ay dhammaan dhinacyada siyaasaddu raali ka wada yihiin.

Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa  Ra’iisul Wasaaraha ku boggaadiyey kaalintiisa hoggaamineed ee horseeday horumarka iyo is fahamka ay ku socdaan Geeddi socodka doorashooyinka Soomaaliya.