Guddigii heer wasiir ee Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble u magacaabay baaritaanka dhacdadii Golweyn ee lagu dilay dad rayid ah, ayaa maanta shirkii ugu horreeyay la yeeshay taliska AMISOM oo ay kala hadleen sidii ay cadaalad u heli lahaayeen dhibbaneyaashii dhacdadii Golweyn.
Wasiirka Wasaaradda cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in shirka qeyb ay ka ahaayeen taliyaha ciidamada Uganda, saraakiisha AMISOM, Midowga Afrika iyo safiirka Uganda ee Soomaaliya.
Wuxuu sheegay Wasiirka in ay ka wada hadleen sidii dhibaatadii Golweyn ka dhacday loo xalin lahaa,islamarkaana cadaalad u heli lahaayeen dhibbaneyaashii dhacdadaas.
Sidoo kale, Wasiirka cadaaladda oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in qaar ka mid ah askartii ka dambeysay falkaas la soo xiray, halka qaar kalena baaritaan uu ku socdo.
Taliska Midowga ayaa markii ugu horeysay qirtay in ay dad rayid ah ku dileen deegaanka Golweyn, iyadoo weli aan la aasin dadkii geeriyooday.