DFS oo markii ugu horeysay ka hadashay arrinta Afghanistan.

3

Muddo maalmo ah kadib dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xaalada ka taagan dalka Afghanistan, kaas oo ay xukun kiisa la wareegeen Ururka Taalibaan oo dagaal muddo badan kula jiray dowladaasi.

Cabdiraxmaan Maxamed Jaabiri oo ah Wasiiru-dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa tilmaamay in dhacdada Afghanistan laga baran karo sida ay waxba usoo kordhineyna joogitaanka ciidamo Ajnabi ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidookale waxaa uu sheegay in 20 sano dowladda Afghanistan lagu bixinayay wakhti iyo qarash badan, islamarkaana ay ugu dambeyn u gacan gashay kooxda Taalibaan, taas oo ay si weyn isku hayeen.

“Dadka qalafsan ee nagu dhex-jira ee naga fikir duwan ee marna aan raali laga wada noqon karin in meel looga soo wada jeesto oo aqoon-yahanada Soomaaliyeed ay kasii digaan baaritaana ka sameeyaan arrinta ka dhacday Afganistaan,” ayuu yiri.

Waxaa uu ugu dambeyn sheegay inay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay dowladdooda garab istaagan, isagoo wasiirka ka digay in dalkeena ay ku imaan karto arrin lamid ah mida Afghanistan, haddii aan laga fikirin oo laga hortagin.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya kadib markii Kooxda Taalibaan ay maalmo kahor la wareegtay talada dalka Afghanistaan islamarkaana hadda ay ka taagan tahay xaalad aan cago badan ku taagneen.