War murtiyeed laga soo saaray shirkii Muqdisho kaga socday midowga musharaxiinta.

5

Kulan saddex maalmood socday oo ay Muqdisho ku yeesheen Golaha Midowga Musharaxiinta ayay kasoo saareen war murtiyeed ku saabsan waxyaabihii kasoo baxay shirkooda.

Midowga Musharaxiinta ayaa saddexdii maalin ee uu socday shirkan waxay kulamo la qaateen Guddiga Doorashooyinka Heer-Qaran ee (FEIT), ururrada bulshada rayidka iyo beesha caalamka. Sidoo kale waxay sheegeen in ay wadahadal la yeesheen Raysal wasaare Maxamad Xuseen Rooble.

Midowga Musharaxiinta waxay walaac ka muujiyeen sida ay ku billowdeen doorashooyinka dalka.