Taliska ciidanka xoogga dalka oo ka hadlay ciidamo qabsaday garoonka diyaaradaha Doolow

16

Col Warfaa, Taliyaha guutada 10-aad qeybta 43aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Gedo ayaa sheegay inĀ  ay dib xeryahoodii ugu laabteen ciidamado tabasho ay qabeen ka gadoodsanaa.

Col Warfaa ayaa cambaareeyay warar been abuur ah oo laguĀ  faafiyay, oo sheegaya inuu jiro isku dhac ciidamada ku dhexmaray degmada Doolow, balse waxa uu sheegay in xilligan xaaladdu tahay mid deggan oo aysan jirin wax isku dhac ah oo dhex maray ciidamada.

Ciidamadan oo ahaa kuwii uu dowladda ku wareejiyay Cabdirashiid Janan ayaa dhawaan xeryahoodii soo faarujiyay, kuwaas oo markii dambe qabsaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Doolow.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, kadib markii shalay Cabdirashiid Janan uu iska fogeeyay inuu lug ah ku leeyahay gadoodka ay sameeyeen ciidamadii uu dowladda ku wareejiyay ee ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo.