Midowga Musharaxiinta Oo Faah Faahiyey Shir Gaar Ah Oo Maanta U Furmay

9

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Shir gaar ah ee Maanta oo sabti ah uga furmay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan hotelka Hotelka Jazeera.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Shirka u furmay Golaha uu socon doono muddo saddex maalmood ah, isla markaana looga hadlayo doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday dowlad Goboleedyada iyo doorashada soo socoto ee Golaha Shacabka.

Waxaa uu sheegay C/raxmaan C/Shakuur in Musharaxiinta ay iska xog-wareysteen doorashooyinkii dhacay iyo walaaca Qaar ka mid ah Musharaxiinta ay ka muujiyeen doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka dhacay maamul Goboleedyada.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Midowga Musharaxiinta ay kulamo la qaadan doonaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda maamulada dalka, Beesha Caalamka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isla markaana ay kala hadli doonaan arrimaha doorashooyinka.

Ugu dambeyn C/raxmaan C/Shakuur ayaa Carabka ku dhuftay in Shirka Golaha Maanta u furmay lasoo xiri doono maalinta Isniinta, isla markaana laga soo saari doono Shirka War-murtiyeed ku saabsan mowqifka Golaha ee doorashooyinkii Aqalka Sare ee dhacay iyo kuwa Golaha Shacabka ee soo socda.