Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay munaasabadda daah-furka Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa

17

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galaya munaasabadda daah-furka Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa iyo Ku biiritaanka Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa.

Munaasabadda Daahfurka Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaalanka Musuq-Maasuqa iyo Ka mid Noqoshada sharciyada Caalamiga ah ee la Dagaallanka Musuq-maasuqa, ayaa waxaa sidokale ka qeeyb galay qeybo masuuliyiinta kala duwan ee Dowladda iyo qaar kamid ah hey’daha la shaqeeya Dowladda.

Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay yeelanaysa Guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa tan iyo burburkii dowladdii dhexe Keddib.