Mareykanka oo Tallaalka COVID-19 soo gaarsiiyay Soomaaliya

3

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray 302,400 talaalka Johnson  ee COVID-19.

Tallaalkan waxaa Soomaliya ugu deeqday Dowladda Mareykanka iyada oo
soo marisay xarunta COVAX (CEPI, Gavi, UNICEF, WHO), ujeedaduna tahay in dalka
Soomaaliya laga saacido ka hortagga Caabuqa COVID-19.

Imaatinka qaybtaan koowaad ee tallaalka Johnson & Johnson ee COVID-19 waxay ku soo aaday iyadoo lagu guda jiro waqti xasaasi ah oo uu caabuqa COVID-19 soo laabtay markii 3aad. Sida kaliya ee loo joojin karo faafitaanka caabuqani waa in la tallaalo dadweynaha.

Wasaaraddda Caafimaadka ayaa uga  mahadcelisay Dowladda Mareykanka deeqdan, waxaana loogu baaqayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in ay qaataan Tallaalka.