Doorashada Aqalka Sare Ee Galmudug Oo La Soo Gabo Gabeeyay

15

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyay doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraaska Aqalka Sare ee laga soo doorto Galmudug.

Doorashada ayaa ku dhacday hab gacan taag ah oo ay xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ku doorteen lix Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka 11aad ee dalka.

Mudane Saciid Siyaad Shirwac ayaa noqday Senator kii ugu horeeyey ee la doorto Golaha Aqalka Sare, kaddib markii uu tanaasulay Maxamed Daahir oo la tartamayey, waxaana uu Siciid u codyesay 87 Xildhibaa, 2 Xildhibaan ayaa diiday, mana jirin cid ka aamustay.

Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) ayaa ku guulaystay kursiga 2-aad ee Xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug ka soo baxaya, kadib markii uu tanaasulay Daahir Faarax Fiidow. waxaa ogolaaday 87, Xildhibaan, 1 Xildhibaan ayaa diiday. Waxaana ka aamusay 1 mudane, sidaas ayuuna ku noqday Senator.

Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhe-dheer) ayaa ku guuleystay kursiga 3-aad ee doorashada Aqalka Sare ee laga soo doorto Galmudug kadib markii uu u tanaasulay Nuur Xasan Guutaale. waxaana gacantaag ugu codaysay 86 Xildhibaan, waa diiday 2 mudane, waxaana ka aamusay 1 Xildhibaan sidaas ayuuna ku noqday Senator.

Samsam Daahir Maxamuud ayaa ku guuleystay Kursiga 4-aad ee Aqalka Sare oo laga soo doorto Galmudug, waxaa u tanaasushay Farxiyo Daahir Guure, waxaana Samsam ay heshay 89-ka cod Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug.

Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa ku guuleystay Kursiga 5-aad ee Aqalka Sare kadib markii ay tanaasushay Ismahaan Cabdi Xuseen oo la tartamaysay, waxaana ogol ugu codaysay 86 Xildhibaan waxaa diiday 1 waxaa ka aamusay 2 mudane, sidaas ayuuna ku soo baxay.

Duniyo Maxamed Cali ayaa ku guuleysatay kursiga 6aad ee Aqalka Sare kadib markii ay u tanaasushay Qadro Cabdullaahi Isxaaq waxaana ogol ugu codeeysey 88, ma jirin cid diiday balse waxaa ka aamusay 1 mudane.