Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhigiisa dalka Turkiga

3

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan magaalada Ankara kula yeeshay dhigiisa dalka Turkiga Lütfi Elvan oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo xaaladda dalka ku saabsan,

Wasiir Beyle ayaa xusay in waxyaabaha ay kulankooda kaga wada hadleen ka mid ahayd dib u habeynta dhaqaalaha iyo isbadalka Maaliyadeed ee Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay mashaariicda kala duwan ee ay dowladda Turkiga ka hirgelineyso Soomaaliya.

“Waxa aan maanta magaalada Ankara kulan miro-dhalay kula qaatay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Turkiga Lütfi Elvan, waxa aan ka wadahadlanay arrimo ay ka mid yihiin dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka iyo isbadalka Maaliyadda Soomaaliya, sidoo kale waxa aan uga mahadceliyay doorka wanaagsan ee uu ka cayaarayo dalkiisa Turkiga arrimaha dalkeena”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.