Kulan laga yeeshay amniga magaalada baladweyne.

12

Kulankaan ayaa waxaa uu ahaa mid Mamulka iyo saraakiisha Ciidamada ku kala war qaadanayeen sida amniga loo adkeyn karo, maadaamaa magaalada ay ka mid tahay meelaha loo asteeyay in doorashooyinka xubno ka mid ah Baarlamanka ay ka dhacaan.

Kulankan looga hadlayay amniga oo mudo saacado ah socday ayaa gabo gabdii waxaa Warbaahinta lahadlay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan Axmed Cabdalla Inji, kaasi oo sheegay in ujeedka shirka uu ahaa xoojinta iyo adkeynta Nabadgelyada magaalada, maadaama lagu guda jiro waqti doorasho, lana filayo inay magaalada marti geliso.

Kulanka imanayaa iyadoo ciidamada qalabka sida ay howlgallo amni sugid ah ka wadaan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.